Barlamaanka Puntland oo fadhi aan caadi ahayn yeeshay & xubno ay meelmariyeen.

Barlamaanka Puntland oo fadhi aan caadi ahayn yeeshay & xubno ay meelmariyeen.

Garoowe (Raxanreeb )- Maanta oo Arbaca Barlamanka dowladda  Puntland ayaa fadhi ku yeesheen magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Kulanka oo ahaa mid muhiimad gaar ah la lahaa ayay mudanayaashu waxa ay ku meel-mariyeen xubno masuuliyiin ah oo dhawaan uu soo magacaabay Madaxwaynaha Puntland Saciid Deni.

Waxa uu ahaa kulanka maanta Barlamaanka uu yeeshay  kii 7-aad ee Kalfadhiga 54-aad ee xubnaha Barlamaanka Puntland.

Xubnaha Barlamaanka ayaa durbadiiba cod u qaaday masuuliyiinta magacaaban  waxaana ay ku meel mariyeen cod caqlbiyad ah.

Waxaa ku jira xubnaha la meelmariyay maanta Garsoorka iyo Hantidhowraha guud ee Dawladda Puntland, kuwaas oo ay soo gudbisay Madaxtooyada  Puntland.

( 01) -Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Maxamed Xassan Ibraahim

(02) -Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Diiriye Gamaadiid.

 (03) – Wasiir ku-xigeenka Dhalinyaarada iyo Ciyaaraha Siciid Saalax Seed

( 04) Xeer ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland Axmed Yuusuf Taaraan

(5) -Ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland Cabdiqani Diiriye Cawl

( 06) – Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhawrka guud ee Dawladda Puntland Cismaan Maxamuud Cali (Qaroofey).

Leave a Reply

Your email address will not be published.