Raxanreeb (Gaalkacyo )- Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug maanta oo Arbaca ah waxaa ka dhacay dibadbax balaaran oo ay samayeen wadayasha Bajaajta ee magaalada.
Sida Raxanreeb ay u sheegeen dad ku sugan – magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug wadayaasha Bajaajta ayaa xirtay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada.
Waxa ay ku muujiyeen wadayaasha Bajaajta banaanbaxooda sida ay u diidan yihiin lacag lagu kordhin canshuurta laga qaado taas oo keentay in maanta ay isku soo bax ay dhigaan.
Wadayaasha Bajaajta ayaa maamulka degmada Gaalkacyo a ku eedeeyay inay heshiis la gashay shirkad gaar loo leeyahay, si lacago ka baxsan canshuurta ay uga qaado .
Ciidanka dowladda hoose ee magaalada Gaalkacyo ayaa rasaas u adeegsaday kala eryida darawalada gaadiidka Bajaajta ee ka shaqeeya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Ma jiro wax war ah oo maamulka magaalada Gaalkacyo uu ka soo saaray dibadbaxa ay dhigeen wadayaasha Bajaajta ee cabashada ka ah maamulka .
Leave a Reply