UK : Maanta oo Khamiis ah waxa loo dareeray doorashada baarlamaaniga.

UK : Maanta oo Khamiis ah waxa loo dareeray doorashada baarlamaaniga.

UK (Raxanreeb )- Dalwaynaha Britain maanta waxaa ka dhacaysa doorasho laga soo harmariyay waqtigeeda , waxaana guud ahaan dalkaas laga dareemayaa hananaka doorashadu ay u dhacayso.

Doorashadan oo ah mid Barlamaani ah ayaa isha si aad ah loogu hayaa natiijada ka soo bixi doonto & sida loogu kala adkaan doonto labaduba.

Sida ay baahiyeen saxaafadda UK  Xisbiga talada haya ee Muxaafidka ayaa  goor sii horeysay  qirtay guuldarro ka hor inta aananba la aadin goobaha codbixinta maanta oo  Khamiis ah.

Dadka  codkooda dhiibtay maanta  waxaa ka mid ah Ra’iisulwasaaraha UK Rishi Sunak,  kaas oo ka codeeyay Koonfurta Yorkshire, isaga iyo xaaskiisa Akshata Murty .

Malaayiin reer UK ah ayaa awoodi doona in ay doortaan xildhibaanadooda cusub 40,000 oo goob codbixineed oo ku kala baahsan England, Scotland, Wales iyo Northern Ireland.

Ra’iyi ururinti u danbeeysay ee soo baxday Arbacadi shalay ayaa muujisay in xisibiga Shaqaalaha ee siyaasaddiisu tahay bidix-dhexe uu soo gaba gabeyn doono 14 sannadood oo uu xisbiga Muxaafidka talada hayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.