Muqdisho (Raxanreeb ) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay , howlgal burburin ah oo ka dhacay xaafadaha Saybiyaano ee magaalada Muqisho.
Qoysas aad u fara badan ayaa maanta la arkayay kuwaas oo laga saaray xaafadaga deb-damiska ee magaalada Muqdisho kuwaas oo sheegayay in ay ka xun yihiin wixii ku dhacay.
Afhayeenka ciidanka booliiska Cabdifataax Aada ayaa sheegay in ciidamada Maanta xaafada Dabdamiska ka saareen dad tiro yar oo ku harsanaa, waxa uuna xusay in badi dadkii deganaa xafaadaasi horey uga baxeen .
Waxa uu sheegay afhayeenka booliiska in ciidanka tagay xaafada Dabdamiska halkaasi u tageen sidii ay u caawin lahaayeen dadka ku harsan xaafadaasi, sida uu hadalka u dhigay.
Cabdifitaax ayaa sheegay in ciidanka Boolisku ay saaka ka halkaasi ka wadaan shaqo culus, wuxuuna tilmaamay in dib loo howlgelinayo xaruntii Dab-damiska ee uu lahaa dalka.
Leave a Reply