Dagaal Beeleed ka dhacay Shabeellaha Dhexe iyo khasaaro la dhashay

Dagaal Beeleed ka dhacay Shabeellaha Dhexe iyo khasaaro la dhashay

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal xooganaa oo laba maleeshiyo Beeleed Maanta ku dhexmaray degaano hoostaga degmada Ceelbaraf oo katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka oo socday labadii Maalmood ee la soo dhaafay ayaa Maanta aad u xoogeystay, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawacay, sida ay Risaala u sheegeen dad Goobjoogayaal ah.

Nabaddoon Xasan Maxamed Tifow oo kamid ah Odayaasha Dhaqanka mid kamid ah Beelaha dagaalamay ayaa sheegay in dhulkooda lagu soo duulay, isla markaana la waayay xal aan dagaal aheyn.

Wuxuu sheegay in shirar iyo heshiis horay look ala dhex-dhigay labada beeleed ay fashilmeen, isla markaana, iyaga ay hadda yihiin kuwo doonaya inay dhulkooda difaacdaan.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaan weli ka hadlin dagaalkaas, iyada oo la filayo in dhawaan wafdi ka socda loo diro degaannada lagu dagaalamay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.