Somaliland oo xayiraad kusoo rogtay Magaalada Boorama

Somaliland oo xayiraad kusoo rogtay Magaalada Boorama

Madaxtooyada Somaliland ayaa go’aamisay in la joojiyo kulanweyne ay Hay’adda UNDP mudo qorsheynaysay in uu ka dhaco magaalada Boorama ee gobalka Awdal, horey Somaliland ayaa u bixisay ogolaanshaha shirkan lagu qaban lahaa magaaladaas, oo ay ka qeybgalayeen dhammaan howlwadeenada UNDP ee Soomaaliya ka howlgala.

Shirka ayaa la amray in loo wareejiyo magaalooyinka Burco ama Hargeysa, iyadoo madaxtooyadu labo goor ku adkeystay todobaadkan gudihiisa, in aan shirkaas lagu qaban karin Boorama oo ay tahay go’aan dawladeed, sababtana laga dhigay in amniga magaaladaas aysan daamanad-qaadi karin, sidaas oo kalena ay ka jiraan arrimo siyaasadeed, sida ay sheegtay Somaliland.

Madashan, waxaa ku bixi lahaa Boqolaal kun oo dollar, taas oo ay ka faa’iideysan lahaayeen bulshada magaaladaas, waxaana ka qeybgali lahaa madaxda ugu sareysa UNDP ee Geeska Afrika iyo dhammaan madaxda sare ee Soomaaliya ka howlgala meel kasta oo ay joogaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.