Shirar lagu qabanqaabinayo wada-xaajood nabadeed oo u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka oo furmay.

Muqdisho (Raxanreeb online) –  Kulamo ayaa billowday iyo dadaallo lagu doonayo in lagu gaaro wadahadal toos ah, xal nabadeedna lagu gaaro wada-xaajood iyo wada-shaqeyn dhexmarta madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedka Puntland si looga gudbo khilaafaadkii siyaasadeed ee jiray.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow dhow shirarka socda, xubnaha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa diiradda saaraya sidii loo heli lahaa goob istiraatiiji ah oo ay ku wadahadli karaan madaxda federaalka iyo maamulka Puntland si xal waara looga gaaro.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen uu kala hadlay dhiggiisa Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, si ay u mira dhaliyaan dadaallada socda, xalna loogu heli lahaa khilaafaadka siyaasadeed.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan xaqiijiyey in maamulku uu diyaar u yahay in uu la yeesho wada hadal hufan oo la doonayo in lagu xalliyo khilaafka siyaasadeed ee soo noqnoqday ee kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya. Deni ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in wax laga qabto caqabadaha hadda jira ee mustaqbalka midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya.

Iyadoo ay jiraan kala aragti duwanaansho, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer waxay muujisay inay ka go’an tahay inay la hadasho maamulka Puntland, waxayna sheegtay in wadashaqeyntu ay lagama maarmaan tahay si aan u gaarno hadafkeena qaran ee dal ahaan.

Intee in le’eg ayay tahay rajada laga qabo in wada hadal guul laga gaaro wada-hadallada la isugu keeno madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda maamul goboleedka Puntland oo ku kala aragti duwan siyaasadda ?

Leave a Reply

Your email address will not be published.