Faah faahino kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo laga fuliyay buuraha Calmiskaad

Boosaaso ( Raxaneeb Online) Dowladda Maraykanka ayaa xalay duqeymo culus ku garaacday togga Baallade, gaar ahaan nawaaxiga Ceelka Maraagade, oo ay ku go’doonsan yihiin xubno katirsan Daacish oo la rumaysan yahay in ay ku jiraan hoggaamiyaal sare.

Saraakiil ka tirsan Hawlgalka Calmiskaad ayaa xaqiijiyay in xalay duqeymo culus lagu qaaday aagga Maraagade, oo ay ku dhuumanayaan horjoogayaal iyo dagaallamayaal ka tirsan Daacish oo ku go’doosan aga-gaarka Ceelkaasi, kaddib markii dhinac kasta ciidamada Puntland ka fadhisteen.

Duqeyntan ayaa timid, iyadoo shalay ay ciidamada difaaca Puntland hawlgal culus ka sameeyeen laba jiho oo dhaca togga Baallade, uuna kamid yahay ceelka Maraagade, islamarkaana halkaasi lagu dilay xubno ka tirsan argagixisada Daacish, halka intii kale ku xanniban yihiin godad ay ka samaysteen difaacyo adag.

Saraakiisha Hawlgalka Calmiskaad ayaa sheegaya in hadda xubno katirsan Daacish oo ilaalo u ah horgoogayaashii kooxda Daacish, ay ku urursan yihiin godad kooban, oo ay ku hareeraysan yihiin ciidamada difaaca dowladda Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.