Muqdisho (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u safraya magaalada Addis ababa, kaddiib markii uu casuumaad ka helay Midowga Afrika.
Ujeedka socdaalka madaxweynaha ayaa ah ka qeyb galka Shirka Labaad ee Cimilada Afrika (ACS2) oo ay soo qabanqaabinayso Midowga Afrika (AUC), ayna kasoo qeyb galayaan madaxda dalalka Africa iyo marti sharaf kale.
Dhanka kale Abiy Ahmed, Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya, ayaa waqti badan gelinaya sidii uu madaxda Soomaaliya ugu qanci lahaa inay kala qayb galaan xarig jarka biyo xireenka Abaay, kaas oo si wayn ay udiidan tahay Masar.
Dowladda Masar, waxay dhawaan Soomaaliya keenaysaa cutubkii ugu horreeyay oo ciidankeeda ah oo qayb ka noqonaya hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo yaqaan AUSSOM.

Leave a Reply