Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada Doxa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Islaamka iyo Carabta

Doxa ( Raxanreeb Online) Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Doxa ee caasimadda dalka Qadar, ayaa maanta ka qeyb galaya Shirwaynaha Dalalka Islaamka iyo Carabta.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa ka garoonka diyaaradaha ee magaalada Doxa ku soo dhaweeyay Sheekh Siciid Binu Cabdiraxmaan Binu Xasan Aala Thani oo ah ku-xigeenka Ra’iisul wasaaraha Qatar ahna wasiir dowladaha difaaca dalka Qatar iyo Maxamed Axmed Sheekh Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya.

Shirkan ka dhacaya magaalada Doxa, ayaa diirada lagu saari doonaa xaaladaha cakiran eek a jira gobolka iyo caalamka Islaamka, iyada oo madaxda ka socota Carabta iyo Islaamka ay diirada ku saari doonaan shirkooda, arrimaha amniga, siyaasadda iyo xiriirka dalalka xubnaha ka ah.

Sidoo kale madaxda ayaa la filaya in shirkooda, ayaa uga hadlaan sidii tallaabo iyo jawaab looga bixin lahaa weerarkii Israa’iil ay ku qaaday  magaalada Doxa ee caasimada dalka Qatar.

Geesta kale madaxwayanha ayaa inta uu Shirku socdo waxaa uu sidoo kale kulamo-doceedyo la yeelan doonaa qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dhiggiisa ah ee goobjoogga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.