New York ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in khilaafka Pakistan iyo Afgaanistaan ee imika taagan yhay, balse “haddii aan ay noqoto inaan xalliyo dhibaatadan, si fudud ayaan u xallin lahaa.”
Isagoo la hadlayay suxufiyiinta Jimcihii, wuxuu sheegay in sidoo kale ay tahay in ay isaga u taallo maamulka Mareykanka, laakiin “runtii waxaan jeclahay joojinta dagaallada.”
“Waxaan jeclahay inaan joojiyo inay dadka dhintaan, waxaana badbaadiyay malaayiin qof”, ayuu yiri madaxweyne Donald Trump.
Waxaa xusid mudan in 15-kii iyo 16-kii Oktoobar ay dagaallo ka dhaceen Pakistan iyo Afgaanistaan, xilligaasoo labada dal ay sheegeen in uu midba midka kale u geystay khasaare naf iyo maalba leh.
Dhowr todobaad ka hor ayey aheyd markii dagaal khasaaro badan geystay oo ka dhex qarxay Pakistan iyo Afgaanistaan, iyada oo labada dal ay hadda ciidamo badan ku daabulayaan xuduuda ay wadagaan.

Leave a Reply