Garoowe ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta furay kalfadhiga 57-aad ee Baarlamaanka, ayaa jeediyay khudbadiisa dastuuriga ah oo uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin waxqabadka dowladda ee amniga, gaar ahaan dagaalka Calmiskaad.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in kooxda Daacish ee ku jirtay buuraha Calmiskaad ay ka badnayd labo kun (2,000) oo ajaaniib u badan, kuwaas oo uu tilmaamay in laga guuleystay marka laga reebo in yar oo ku dhuumaalaysanaysa togga Baallade.
Waxa uu carabka ku dhuftay in ciidamada Puntland ay dhawaan soo afjari doonaan haraadiga kooxdaas iyo howlgalka Hillaac.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland, a ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dalalka Mareykanka iyo Imaaraadka oo Puntland ka taageeray duqeymaha lagu burburiyay gododka ay ku jiraan kooxda Daacish.

Leave a Reply