Muqdisho: Shacabka oo si kulul uga soo horjeestay aqoonsiga Somaliland

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Boqolaal dadweyne ah ayaa xalay isugu soo baxay xaafado katirsan magaalada Muqdisho, kuwaasi ka banaanbaxayay  tallaabada ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, taasi oo si weyn loogu tilmaamay in ay tahay xadgudub ka dhan qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Banaanbaxayaasha oo watay calanka Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan “gooni goosadka doonimeyno”, waxa ayna buux dhaafiyeen wadada Maka al-mukarama ee magaalada Muqdisho, iyaga oo si cad u muujiyey taageerada midnimada Qaranka, kuna baaqay in laiska caabiyo fara-gelin kasta oo shisheeye ka timaada.

Ciidamada ammaanka ayaa la geeyay goobta uu banaanbaxa ka dhacayay ee wadada Maka al-mukarama ee magaalada Muqdisho, iyada oo banaanbaxayaasha oo ahaa kuwo inta badan nabad ku dhawaaqayay iyo erayo ka dhan Israa’iil.

“Dagaal ayaan diyaar u nahay, Walaalaheen waa la qalday, waxaan leenahay soo noqda, Soomaaliya kalama go’aysaan”.

Qaar kamid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin difaaca dalka, isla markaana si adag uga soo horjeedaan aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Shacabka magaalada Muqdisho, ayaa qaaday tallaabo culus oo ay ku difaacayaan midnimada Soomaaliya.   

Leave a Reply

Your email address will not be published.