Yamoussoukro (Raxanreeb Online) Madaxweynaha dalka Ivory Coast Alassane Ouattara ayaa walaalkiis Tene Birahima Ouattara u magacaabay in uu noqdo Raysal wasaare ku xigeenka dalkaas iyo Wasiirka Gaashaandhiga ee Ivory Cost.
Ouattara oo talada Ivory Coast loo doortay bishii October ee sannadkii hore ayaa shalay soo magacaabay qaar ka mid ah Golihiisa wasaaradda.
Madaxda Afrika ayaa ku caan baxay in ay xilal muhiim ah u magacabaan qaraabadooda iyo dadka kale ee dhalasho ahaan ka ag dhow taas oo lagu sabeebeeyo mid ka mid arrimaha dib u dhaca ku keenay qaaradda Afrika.

Leave a Reply