Axmed Madoobe oo muddo dheer kaddib kasoo degay Muqdisho

Axmed Madoobe oo muddo dheer kaddib kasoo degay Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Hoggaamiyaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo wata ciidamo badan, ayaa galabta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. waxaana asiga iyo wefdigiisa garoonka ku soo dhoweeyay xildhibaano katirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, wasiirro, Odayaal dhaqan iyo mas’uuliyiin kale.

Axmed Madoobe, ayaa la filaya inuu saacadaha soo socdo la hadlo warbaahinta, isaga oo ka warbixin doono ujeedka ugu weyn ee ah ka qeyb galka shirka watashiga ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin xubnaha mucaaradka.

Sidoo kale hoggaamiyaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la filaya in asna uu soo gaaro Muqdisho, si uu asigana uga qeyb galo shirka.

Qodobada ugu muhiimsan ee la filayo in xubnahan ay diirada ku saaraan waxaa kamid ah Doorashooyinka, waxkabadalka Dastuurka. Midnimada iyo qodobo kale.

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni, ayaa muddo dheer ka maqnaa Muqdisho sababa la xiriira khilaaf daba dheeraaday ee kala dhaxeeyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladiisa, kaasi oo gaaray meel adag oo ka liftay in ay go’do wada-shaqeyntiisa u dhaxeeysay.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa la sheegay in dhinacyada ay cadaadis ku sareen inuu qabsoomo shirkan, isla markaana la xaliyo khilaafkan mudada dheer u dhaxeeya, xalna la gaaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.