Istanbuul (Raxanreeb Online) Dowladda Turkiga ayaa maanta dalkeeda kasoo tarxiilaysa 40 Qof oo Soomaali ah oo isugu jira Rag iyo Dumar.
Dadkaan lasoo tarxiilayo ayaa qaarna ku noolaayeen magaalooyinka kala duwan ee Turkiga, halka qaarkoodna lagu qabtay Garoomo diyaaradeed oo Turkiga kuyaal xilli ay doonayeen in ay dalkaas gudaha ugalaan.
Weli lama oga sababta loo beegsaday Dadkaan balse waayihii danbe Dowladda Turkiga ayaa Garoomadeeda ka celinaysay Soomaali doonaysay in ay Turkiga tagaan.
Tallabadan ayaa imaaneysa xili dowladda Turkiga, ayaa muddooyinkii dambe aad u xoojineysay xiriirka ay la lee dahay Soomaaliya, waxaana dhowaan dalka ay keentay diyaarad dagaal oo ah kuwo casri ah.
Geesta kale weli ma jiro war kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlayo tallabada ay dowladda Turkiga ay wadankeeda uga soo tarxiileyso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gaaraya 40 qof.

Leave a Reply