Jabuuti oo ciidamo dheeraad ah u soo direysa Soomaaliya

Jabuuti oo ciidamo dheeraad ah u soo direysa Soomaaliya

Jabuuti ( Raxanreeb Online) Ciidamo cusub oo kamid noqonaya howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa la filaya in maalinta berrito ah ay soo garaan Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay ka howlgali doonaan gobolka Hiiraan, si ay xoojiyaan ciidanka ka socda dalkaasi ee horay u joogay Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen xubno katirsan saraakiisha ciidanka.

Taliyaha ciidamada difaaca Jabuuti Zakariya Sheekh Ibraahim, ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay gutaan waajibka saran ilaalinta nabad gayada sarana ay u qadaan la shaqeeynta ciidamada Soomaaliya iyo kuwa kale ee AUSSOM.

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti, ayaa ku heshiiyay in la kordhiyo dagaallanka ka dhanka ah Al-shabaab, si looga saaro deegaanada ay maamulka hir-shabeelle kaga sugan yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.