Baydhabo ( Raxanreeb Online) Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidmo taabacsan hoggaamiyihii hore ee Koonfur Galbeed lafta-gareen, ay ku soo dhawaanayaan magaalada Baydhabo iyo deegaannada kale ee gobolka Baay.
Ciidamadan ayaa la tilmaamay inay doonayaan in si hoose ku soo galaan magaalada, isla markaana muddooyinkii dambe lagu diyaarinayay gobolka Gedo.
Sidoo kale ciidamada Itoobiya, ee jooga gobolka Gedo, ayaa la sheegay in ay sanaad militeri ku wareejiyeen ciidamadan inta ay ku sugnayeen degmada luuq ee gobolka Gedo
Sikastaba, xiisadan dagaal ee ka soo cusbonaatay deegaanada Koonfur Galbeed, ayaa ku soo beegmeysay xili maamulkii uu hoggaamiyayay Cabdicasiis Lafta-gareen laga saaray magaalada Baydhabo oo muddo 7 sanno ah ka ariminayay.
Wixii kusoo kordho warkan halkan kala soco

Leave a Reply