Muqdisho ( Raxanreeb Online) Qaarka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa la sheegay inay iska diideen go’aankii kasoo baxay Gobolka Banaadir ee sida ku-meel-gaarka ah loogu hakiyay howlihii burburinta iyo barakicinta xaafadaha Muqdisho.
Wararka laga helayo degmooyinka qaar ayaa sheegaya in mas’uuliyiin kamid ah maamulka degmooyinka ay sheegeen in xaafadahooda aysan ku jirin goobaha lagu dabaqayo amarka hakinta ah ee kasoo baxay Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag ayaa la sheegay inuu u sheegay guddigii uu u xil-saaray arrimaha jid-bixinta Xaafadda Oobasiibada Tookiyo in xaafaddooda aysan kamid ahayn xaafadaha lagu amray in la joojiyo howlaha burburinta iyo jid-bixinta.
Xaafadda Oobasiibada Tookiyo oo u dhaxeysa Xerada Cagadhiig ilaa Jidka Wadnaha, dhinaca kalena Jidka Aadan Cadde (Jid Maraaxeen) ilaa jidka isku xira Isgoyska Howlwadaag iyo Sayidka, waxayna ka tirsan tahay Degmada Howlwadaag.
Dadka xaafadda ayaa lagu wadaa inay qabtaan bannaanbax ballaaran oo ay ku cambaareynayaan waxa ay ku tilmaameen dhibaatooyinka iyo cadaadiska lagu hayo shacabka deegaanka.
Sidoo kale, shacabka xaafadda ayaa sheegay in haddii maamulka degmada uu sii wado tallaabooyinka ay ka cabanayaan, oo ay ka mid tahay inuu wali la sii shiraayo guddigii gacan ku rimiska ahaa ee uu samaystay uu qaadi doono mas’uuliyadda wixii ka dhasha xaaladdaasi.
Ugu dambeyn, dadka deggan Xaafadda Oobasiibada Tookiyo waxay Maamulka Gobolka Banaadir ka codsadeen in si degdeg ah wax looga qabto arrintan islamarkaana la ilaaliyo amarkii hakinta ahaa ee horey loo shaaciyay.
Dhammaad

Leave a Reply