Soomaaliya oo cambaareysay safaaradda ay Somaliland ka furaneyso Qudus

Soomaaliya oo cambaareysay safaaradda ay Somaliland ka furaneyso Qudus

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dowladda Soomaaliya Soomaaliya, ayaa si kulul u cambaareysay tallaabada ay Somaliland ku sheegtay in ay safaarad uga furaneyso magaalada Qudus.

Qoraal kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay tahay ilaalinta midnimada, madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo qarannimada dalka, isla markaana ay si cad u diiddan tahay tallaabo kasta oo wax u dhimeysa qarannimada Soomaaliya.

Xukuumadda ayaa sheegtay  in mar walbo kasoo horjeedo tallaabooyinka halka dhinac ah ee waxa u dhimaya sharcinimada iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, kana hor imaanaysa qawaaniinta caalamiga ah iyo go’aannada ay soo saareen hay’adaha heer gobol iyo kuwa caalami ah.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareynaysaa tallaabada maamulka waqooyi-galbeed ee Soomaaliya uu ku sheegay inuu ka furayo waxa loogu yeeray “safaarad” magaalada Qudus” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay caddeyneyso in tallaabadan oo aan wax sharciyad ah heysan, isla markaana ay tahay fal daandaansi ah oo aan la aqbali karin, kaas oo meel ka dhac ku ah dareenka iyo mowqifka dalalka Carabta iyo caalamka Islaamka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.