MW Xasan Sheekh oo saraakiisha ciidamada kala hadlay dagaal ka dhan ah kooxda AS

MW Xasan Sheekh oo saraakiisha ciidamada kala hadlay dagaal ka dhan ah kooxda AS

Jowhar ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jowhar ee Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle kulamo muhiim ah kula qaatay, saraakiisha hay’adaha ammaanka si loo xoojiyo amniga iyo dardargelinta wada shaqeynta bulshada iyo laamaha ammaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan deegaanada Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle ka dhageystay warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray dagaalka Al-shabaab iyo sugidda amniga deegaannada maamulka Hir-shabeelle.

Geesta kale madaxweynaha ayaa ayaa ku bogaadiyay saraakiisha ciidamada in si mas’uuliyad leh ay isaga sareen in natiijooyin muuqdo laga gaaro dagaalka ka dhanka Khawaarijta, ilaalinta nabad-galyada iyo garab-istaagga bulshada ku dhaqan deegaanada ay ka howl galaan.

Dowladda Soomaaliya, ayaa wado qorshooyo ay dib ugu bilaabeyso howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab oo muddooyinkii dambe hakad ku yimid, sababo aan ilaa iyo hadda la ogeyn sidoo kalana ay dowladda Soomaaliya ka hadlin waxa keenay inuu istaago howlgalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.