Iran oo sheegtay inay suura-gal tahay in heshiiska socda inuu furo marinka Hormuz

Iran oo sheegtay inay suura-gal tahay in heshiiska socda inuu furo marinka Hormuz

Tehran ( Raxanreeb Online) Heshiis lala galo Mareykanka si loo soo afjaro dagaalka ka socda Iiraan ayaa aad ugu dhow in la gaaro, waxaana ka mid ah dib u furista Marinka Hormuz, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan.

Seyed Abbas Araghchi ayaa u sheegay telefishinka dowladda in heshiiska uu sidoo kale ku jiro qaadista cunaqabatayn uu Mareykanku saaray Iiraan, balse wada-hadallada ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan ay bilaaban doonaan waqti dambe.

Saraakiil Mareykan ah ayaa xaqiijiyay qaar ka mid ah faahfaahinta heshiiska, iyagoo sheegay in faa’iidooyinka dhaqaale ee Iiraan ay ku xirnaan doonaan in Tehran ay fuliso waajibaadkeeda ku cad heshiiska.

Dagaalku wuxuu billowday kadib weerarro ay Mareykanka iyo Israa’iil ka fuliyeen guud ahaan Iiraan 28-kii Febraayo, taasoo keentay in Iiraan ay weerarto Israa’iil iyo dowlado Khaliijka ku yaal oo xulafo la ah Mareykanka, isla markaana ay si wax ku ool ah u xirto Marinka Hormuz, oo ah marin badeed muhiim u ah dhoofinta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG) ee dunida.

Leave a Reply

Your email address will not be published.