Laascaanood (Raxanreeb Online) Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay dadkii ka soo jeeday Koonfur Galbeed ee laga tarxiilay magaalada Laascaanood sanadkii 2021.
Firdhiye oo hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Baydhabo ayaa sheegay in dhacdadaasi ay ahayd mid murugo leh, isagoo xusay in dadka reer Waqooyi Bari aysan mas’uul ka ahayn tarxiilkaas. Wuxuu sheegay in eedda ay dusha ka saaran tahay maamulkii markaas gacanta ku hayay Laascaanood, kaas oo uu ku eedeeyay inuu sidoo kale muddo dheer duqeyn ku hayay magaalada.
Sidoo kale, Firdhiye wuxuu ugu baaqay dadkii laga barakiciyay Laascaanood iyo kuwii weli dibadda ku maqan inay dib ugu soo laabtaan magaalada, isagoo sheegay in ay kusoo noqon karaan deegaankoodii si nabad ah.
Dhanka kale, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda Somaliland ayaa hadal qoraal ah uga jawaabay Firdhiye. Waxay sheegeen in Somaliland aysan cidna si qabiil ku saleysan uga saarin deegaannadeeda, iyagoo intaa ku daray in dad badan oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed ay weli ku nool yihiin magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ee Somaliland.
Hadalladan ayaa imaanaya xilli doodaha la xiriira dhacdooyinkii hore ee Laascaanood ay weli ka taagan yihiin siyaasadda Soomaaliya.

Leave a Reply