Addis Ababa (Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa ku baaqay in la xoojiyo taageerada joogtada ah ee loo fidinayo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), isagoo sheegay in hawlgalku door muhiim ah ka qaato nabadda iyo amniga Soomaaliya.
Isagoo ka hadlay shir uu Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, uga tashanayay mustaqbalka AUSSOM, guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in hawlgalku u baahan yahay maalgelin waarta, taageero siyaasadeed iyo iskaashi caalami ah si uu u sii wado howlihiisa.
Wuxuu sidoo kale sheegay in muhiim ay tahay in la ilaaliyo guulihii laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo xasilinta Soomaaliya.
Sidoo kale guddoomiyaha, ayaa ku baaqay in la dardargeliyo hirgelinta Sanduuqa Nabadda ee Midowga Afrika, lana kordhiyo tabarucaadka dalalka xubnaha ka ah ururka iyo taageerada ay bixiyaan saaxiibbada caalamiga ah, si loo helo dhaqaale la isku halayn karo oo lagu sii wado hawlgalka.
Baaqa Midowga Afrika ayaa ku soo aadaya xilli ay jiraan walaacyo ku saabsan mustaqbalka maalgelinta AUSSOM, taas oo muhiim u ah taageerada ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo dadaallada lagu xasilinayo dalka.

Leave a Reply