Muqdisho (Raxanreeb Online): Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta Isbitaalka Madiina ku booqday askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dhaawacyo kasoo gaareen weerarkii toddobaadkii hore lagu qaaday saldhigga Ciidanka XDS ee magaalada Gaalkacyo.
Wasiir Fiqi ayaa dhakhaatiirta iyo maamulka isbitaalka ka xog-wareystay xaaladda caafimaad ee askarta, isaga oo faray in loo fidiyo daryeel caafimaad oo dhammaystiran, isla markaana xoogga la saaro daaweyntooda iyo sidii ay si wanaagsan uga soo kaban lahaayeen dhaawacyada.
Wasiirka ayaa askarta uga mahadceliyay dadaalkii iyo naf-hurnimadii ay sannado badan ugu jireen sugidda amniga deegaanada Puntland iyo la-dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish, xilli ay hore uga tirsanaayeen ciidamada PSF.
Fiqi ayaa sheegay in askartaasi ay muddo dheer u adeegayeen shacabka iyo xasilloonida Puntland, balse ay markii dambe doorteen inay khibraddooda iyo aqoontooda ciidan ugu adeegaan difaaca iyo amniga qaranka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in ku biirista Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay tahay xaq uu muwaadin Soomaaliyeed leeyahay, isagoo sheegay inaan tallaabadaasi loo arki karin sabab lagu weeraro ama lagu bartilmaameedsado askarta.
Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa caddeeyay in Ciidanka Xoogga Dalka uusan dagaal kula jirin shacabka Soomaaliyeed ama maamullada dalka, balse uu waajibkiisu yahay la-dagaallanka kooxaha argagixisada iyo cid kasta oo khatar ku ah amniga, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa mar kale sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed yahay ciidan qaran oo u taagan difaaca dalka iyo shacabka, ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, iyo sugidda amniga qaranka guud ahaan dalka.

Leave a Reply