Muqdisho (Raxanreeb Online): Taliyaha Qaybta 1-aad ee Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Gorgor XDS, G/sare Saahid Jaamac Faarax (Jareere), ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay saraakiil iyo askar hordhac u ah Guutada 21-aad, kuwaas oo tababar loogu soo gabagabeeyay dalka Turkiga.
Ciidamadan ayaa qeyb ka ah Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor, waxaana Muqdisho kusoo laabashadoodu qeyb ka tahay qorshaha lagu xoojinayo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya.





Leave a Reply