Muqdisho (Raxanreeb Online): Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire, oo ka tirsan garabka Nabad & Nolol ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in aysan jirin dood sax ah oo tilmaamaysa in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uusan jirin.
Xildhibaanka ayaa sheegay in mudanaha ama marwada aaminsan dooddaas ay waajib ku tahay inay iska casisho xilka Xildhibaanimo, isla markaana ay ka tanaasusho mushaharka iyo gunnooyinka ay ka qaadato dowladda.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan doodo siyaasadeed oo ku saabsan xaaladda Baarlamaanka Federaalka iyo awoodda hay’adaha dowladda.

Leave a Reply