Ra’iisul Wasaare Barre oo Beesha Caalamka Fariin U Diray

Ra’iisul Wasaare Barre oo Beesha Caalamka Fariin U Diray

Muqdisho (Raxanreeb Online): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in beesha caalamku weli Soomaaliya u aragto dal ku-meel-gaar ah, isagoo ku baaqay in la beddelo fahamkaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya aysan aqbalayn in loo sheego inaysan awoodin inay go’aannadeeda gaarto ama ay wax walba qaban karin, isaga oo adkeeyay in loo baahan yahay in beesha caalamku ay beddesho fikirka ay Soomaaliya ka qabto.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Federaalka ay xoogga saarayso madaxbannaanida, awoodda hay’adaha dowladda iyo in Soomaaliya ay si buuxda uga gudubto marxaladihii ku-meel-gaarka ahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.