Farmaajo iyo Qoorqoor oo Ka Wada Hadlay Doorashada

Farmaajo iyo Qoorqoor oo Ka Wada Hadlay Doorashada

Muqdisho (Raxanreeb Online): Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan is-xog-wareysi ah la qaatay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), oo booqday xarunta dhexe ee Xisbiga Nabad iyo Nolol ee magaalada Muqdisho.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka Soomaaliya iyo hannaanka doorashada, iyadoo ay weli socdaan wada-hadallo ku saabsan arrimaha doorashooyinka.

Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli ay siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka isku hayaan aragtiyo kala duwan oo ku saabsan hannaanka iyo waqtiga doorashooyinka dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.