Shabeellaha Dhexe (Raxanreeb Online): Midowga Afrika ayaa heegan buuxa geliyay ciidamadiisa ku sugan furimaha hore ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaddib booqasho uu maanta deegaanka Garsale ku tagay Taliye-ku-xigeenka Qaybta 5-aad ee AUSSOM, Kornayl Mathias Sibomana.
Taliyaha ayaa ciidamada ku boorriyay inay sare u qaadaan feejignaantooda isla markaana diyaar u noqdaan hawlgallo dhici kara xilli kasta, isagoo sidoo kale faray inay bilaabaan roondooyin iyo gaafwareeg joogto ah, maadaama sida uu sheegay ay jiraan khataro amni oo ka badan kuwii hore.
Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo sidoo kale heegan la geliyay ciidamada AUSSOM ee ku sugan Carbiska, duleedka Muqdisho, taasoo muujinaysa in dhaqdhaqaaqyada ciidamada howlgalka Midowga Afrika ay sii kordhayaan.
Qaar ka mid ah dadka arrintan falanqeeyay ayaa u sababeynaya dhaq-dhaqaaqyada cusub ee AUSSOM xaaladda amni iyo dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab, halka kuwo kale ay aaminsan yihiin in ciidamada howlgalka ay doonayaan inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah xilli la sheegay inay socdaan qiimeynno ku saabsan waxqabadkooda iyo mustaqbalkooda Soomaaliya.


Leave a Reply