Ciidamo PSF ah oo Xananbuure Loo Wareejiyay

Ciidamo PSF ah oo Xananbuure Loo Wareejiyay

Galgaduud (Raxanreeb Online): Qaar ka mid ah ciidamada Puntland Security Forces (PSF) ayaa loo wareejiyay deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud, kaddib markii ciidamada Puntland ay la wareegeen saldhiggii hore ee ciidamada PSF ee bariga Gaalkacyo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada PSF lagu dejiyay xero ciidan oo ku taalla Xananbuure, halkaas oo ay ku sugnaan doonaan illaa amar dambe oo kasoo baxa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada PSF oo ah ciidan si gaar ah loo tababaray, isla markaana horey taageero uga heli jiray dowladda Mareykanka, ayaa bilihii lasoo dhaafay la sheegay inay u dhawaanayeen dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo la sheegay inay siinaysay mushaharo iyo qalab ciidan.

Wareejinta ciidamada ayaa timid kaddib markii ay sii xoogeysteen xiisadaha u dhexeeya PSF iyo maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid Cabdullaahi Deni, iyadoo ciidamada Puntland ay la wareegeen fariisintii PSF ee bariga Gaalkacyo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli si rasmi ah ugama hadlin qorshaha fog ee ay ka leedahay ciidamada la wareejiyay iyo doorka ay yeelan doonaan kaddib markii ay waayeen saldhiggoodii Gaalkacyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.