Wasiir Fiqi iyo Taliyaha CXDS oo Booqday Qeybta 21-aad

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha CXDS oo Booqday Qeybta 21-aad

Dhuusamareeb (Raxanreeb Online): Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqday Taliska Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee magaalada Dhuusamareeb.

Taliyaha Qeybta 21-aad, G/Sare Maxamed Cabdi Daahir, ayaa Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka warbixin ka siiyay xaaladda guud ee Taliska, howlaha ciidamada iyo shaqooyinka ay u hayaan qaranka.

Wasiir Fiqi ayaa saraakiisha iyo ciidamada Qeybta 21-aad kula dardaarmay inay sii xoojiyaan gudashada waajibaadka qaran, ilaalinta dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo xoojinta amniga iyo xasilloonida dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale ciidamada ku boorriyay inay ilaaliyaan anshaxa, midnimada iyo wadajirka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana mar walba u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda.

Booqashada Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qeyb ka ah kormeerka iyo qiimeynta howlaha Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.