Wasiirka Difaaca Uganda: Ciidamadeennu Soomaaliya Way Sii Joogayaan

Wasiirka Difaaca Uganda: Ciidamadeennu Soomaaliya Way Sii Joogayaan

Uganda (Raxanreeb Online): Wasiirka Difaaca iyo Arrimaha Ciidamadii Hore ee Uganda ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ay sii joogi doonaan Soomaaliya, xilli ay jiraan walaac laga qabo mustaqbalka howlgalka AUSSOM.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan hubanti la’aan ku saabsan maalgelinta iyo mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Warbixinno cusub ayaa sheegaya in Uganda ay weli muujinayso taageero ay u hayso Soomaaliya, iyadoo ciidamadeeda ka tirsan AUSSOM ay sii wadaan howlahooda.

Uganda ayaa kamid ah dalalka ugu muhiimsan ee ciidamo ku leh Soomaaliya, waxaana ciidamadeeda ay muddo dheer qeyb ka ahaayeen howlgallada Midowga Afrika ee taageeraya amniga Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.