Galgaduud (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo safar ku maraya deegaannada Galmudug, ayaa gaaray magaalada Galinsoor ee gobolka Galgaduud.
Madaxweynaha oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa magaalada kula kulmay boqolaal ka tirsan shacabka Galinsoor oo safaf dhaadheer ugu jiray soo dhoweyntiisa.
Xasan Sheekh oo goob fagaare ah kula hadlay bulshada ayaa ugu baaqay inay xoogga saaraan ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo wada-noolaanshaha bulshada, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Galinsoor ay noqoto deegaan nabdoon oo ay si walaaltinimo leh ugu wada noolaadaan dhammaan dadka Soomaaliyeed ee deegaanka wada dega.






Leave a Reply