Taliye Asad oo Haramcad Tababar U Soo Xiray +SAWIRO

Taliye Asad oo Haramcad Tababar U Soo Xiray +SAWIRO

Muqdisho (Raxanreeb Online): Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa Akadeemiyadda TURKSOM tababar ugu soo xiray ciidamo si gaar ah loo tababaray oo ka tirsan Haramcad.

Ciidamada ayaa tababarka lagu baray hababka looga howlgalo goobaha khatartu ka jirto, gaar ahaan meelaha ay Khawaarijtu gabaadka ka dhigtaan, ka jawaabista weerarrada degdegga ah iyo badbaadinta bulshada xilliyada dagaalka.

Sidoo kale, ciidamada ayaa lagu tababaray adeegsiga hubka noocyadiisa kala duwan, isticmaalka teknoolojiyadda casriga ah iyo xeeladaha lagu sugo amniga guud.

Taliye Asad ayaa ciidamada ku bogaadiyay tayada iyo adkeysiga ay muujiyeen muddadii uu tababarku socday, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay macallimiintii iyo howlwadeennadii gacanta ku hayay tababarka.

Taliyaha ayaa ciidamada kula dardaarmay inay aqoonta iyo casharrada ay barteen u beddelaan ficil iyo karti wax-ku-ool ah, isla markaana ay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadka amni ee loo igmaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.