Puntland (Raxanreeb Online): Puntland ayaa mamnuucday in dadka aan isqabin ay si wadajir ah u kireysan karaan guryaha iyo goobaha hoyga ee ku yaalla deegaanadeeda.
Hoteellada, apartment-yada iyo guest house-yada guud ahaan Puntland ayaa lagu amray in aysan hoy siin lamaanayaal aan haysan shahaadada nikaaxa, taasoo caddeyn u ah in labada qof ay si rasmi ah isu qabaan.
Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay xeerar lagu doonayo in lagu ilaaliyo nidaamka bulshada iyo dhaqanka, iyadoo goobaha hoyga laga dalbanayo inay hubiyaan xaaladda lamaanayaasha ka hor inta aysan siin qol ama guri.

Leave a Reply