Wasiir Khadiija oo Shaqo U Ballanqaadday Hooyada Ardaygii Kaalinta 1-aad Galay

Wasiir Khadiija oo Shaqo U Ballanqaadday Hooyada Ardaygii Kaalinta 1-aad Galay

Muqdisho (Raxanreeb Online): Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa xafiiskeeda ku qaabishay Hooyo Safiyo Macallin Cabdulle Cumar, oo ah hooyada dhashay, isla markaana si weyn u garab istaagtay Maxamed Ciise Daahir Yuusuf, oo kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare ee Soomaaliya.

Wasiiradda ayaa Hooyo Safiyo ku ammaantay dadaalka iyo adkeysiga ay muujisay muddadii ay garab taagnayd wiilkeeda, iyadoo sheegtay inay tusaale wanaagsan u tahay dadaalka iyo kaalinta hooyooyinka Soomaaliyeed ee horumarka ubadkooda.

Wasiiradda ayaa sidoo kale sheegtay in Wasaaraddu ay garowsan tahay doorka muhiimka ah ee hooyooyinka, sidaas darteedna ay Hooyo Safiyo siisay fursad shaqo laga bilaabo maanta, si ay uga sii shaqeyso horumarinta nolosheeda iyo waxbarashada ubadkeeda.

Ugu dambeyn, Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa u rajeysay Maxamed Ciise Daahir Yuusuf mustaqbal ifaya iyo guulo waaweyn oo uu ka gaaro waxbarashadiisa, iyadoo hambalyo u dirtay dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ku guuleystay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare.

Wasiiraddu waxay carrabka ku adkeysay in guusha ubadku ay ka dhalato dadaalka, dulqaadka iyo garab istaagga waalidka, gaar ahaan hooyooyinka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.