Kaaliyaha Taliyaha CXDS oo Muqdisho Ku Soo Dhaweeyay Xoghayaha Guud ee IMCTC

Kaaliyaha Taliyaha CXDS oo Muqdisho Ku Soo Dhaweeyay Xoghayaha Guud ee IMCTC

Muqdisho (Raxanreeb Online): Kaaliyaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Madey Nurey Sheekh Ufurow, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC), Sareeye Gaas Maxamed bin Saciid Al-Moghidi, iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Wafdiga IMCTC ayaa Soomaaliya u yimid booqasho rasmi ah, iyadoo booqashadooda la filayo inay xoojiso xiriirka iyo wada-shaqeynta Soomaaliya iyo isbahaysiga.

Kulamada labada dhinac ayaa diiradda lagu saari doonaa iskaashiga amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo is-dhaafsiga khibradaha, iyadoo Soomaaliya ay ka faa’iideysan karto khibradaha iyo taageerada dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga.

Booqashada wafdiga ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay dardar gelinayso dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidamada iyo howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.