DEG-DEG: DFS oo Mushaharka Ka Jartay 300 Askari oo NISA ah

DEG-DEG: DFS oo Mushaharka Ka Jartay 300 Askari oo NISA ah

Gedo (Raxanreeb Online): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay mushaharka ka jartay ku dhowaad 300 askari oo ka tirsan NISA, kuwaas oo ku kala sugan Beledxaawo, Luuq, Garbahaarey iyo Baardheere ee gobolka Gedo.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ku biireen hay’adda NISA xilligii dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana hadda soo baxaya warar sheegaya in mushaarkoodii la joojiyay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli si rasmi ah uma aysan caddeyn sababta loo joojiyay mushaharka ciidamadaasi, iyadoo tallaabadan ay saameyn ku yeelan karto ciidamada NISA ee ku sugan gobolka Gedo.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dowladda ay horey caqabado uga haysatay bixinta mushaharka iyo raashinka ciidamo ku dhow kun askari oo laga qoray gobolka, iyadoo markii dambe taageero dhaqaale oo ay ku helaan mushaharka laga raadiyay mid kamid ah dalalka dariska ah.

Haddii xogtan la xaqiijiyo, tallaabadan waxay muujin kartaa isbeddel lagu sameynayo qaab-dhismeedka iyo joogitaanka ciidamada NISA ee gobolka Gedo, xilli gobolka uu weli yahay goob muhiim u ah loollanka siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Jubbaland.

Xogta ku saabsan in DFS ay qorsheyneyso inay gebi ahaanba meesha ka saarto ciidamada NISA ee Gedo weli ma hayso xaqiijin rasmi ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.