Baydhabo (Raxanreeb Online): Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa AUSSOM u gudbisay warqad ku saabsan eedeymo la xiriira ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Laftagareen iyo xiriirro lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in kaddib markii AUSSOM ay heshay warqadda, ay khubaro baaritaan u dirtay magaalada Baydhabo, kuwaas oo la sheegay inay ka yimaadeen mid kamid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya, si ay u baaraan qaraxyadii iyo dagaalladii dhawaan ka dhacay magaalada.
Sida ilo-wareedyadu tilmaamayaan, baaritaanka kaddib waxaa la sheegay in Midowga Afrika (AU) uu soo saaray amar loo gudbiyay xarunta AUSSOM ee Muqdisho.
Wararka ayaa intaas ku daraya in xarunta AUSSOM ee Muqdisho ay amar u gudbisay Sector 3, iyadoo la sheegay in ciidamada Koonfur Galbeed ee taabacsan Laftagareen iyo Al-Shabaab labadaba loo arko dhinacyo u baahan in si gaar ah wax looga qabto.
Haddii xogtan la xaqiijiyo, waxay muujin kartaa in dagaallada iyo qaraxyadii Baydhabo ay ka gudbeen khilaaf siyaasadeed oo keliya, loona arko arrin amni oo u baahan faragelin iyo baaritaan dhab ah.
Si kastaba, faahfaahinta ku saabsan amarka AU iyo AUSSOM iyo cidda uu si gaar ah u beegsanayo weli si rasmi ah looma shaacin, sidaas darteed xogaha ilo-wareedyada waa in loo qaataa kuwo hordhac ah ilaa AUSSOM ama Midowga Afrika ay si rasmi ah uga hadlaan.

Leave a Reply