Nairobi (Raxanreeb Online): Diyaaradihii saakay ka soo bixi lahaa Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) ee magaalada Nairobi, kuna soo jeeday Muqdisho, ayaa ku xaniban garoonka, kaddib markii ay shaqo joojin sameeyeen shaqaalaha garoonka.
Shaqo-joojinta ayaa saameyn ku yeelatay howlaha garoonka, iyadoo diyaarado iyo rakaab badan ay wajahaan dib-u-dhac.
Waxaa lagu soo warramayaa in ku dhowaad 300 oo Soomaali ah, oo ay ku jiraan mas’uuliyiin kala duwan, ay ku xayiran yihiin garoonka Jomo Kenyatta, iyagoo sugaya in dib loo bilaabo howlaha duulimaadyada.
Xaaladda ayaa sidoo kale saameyn ku yeelan karta duulimaadyo kale oo caalami ah oo ka baxaya ama kusoo degaya garoonka, iyadoo rakaabka laga sugayo in shirkadaha diyaaradaha ay ka soo saaraan warar cusub oo ku saabsan jadwalka duulimaadyada.

Leave a Reply