Midowga Afrika oo Luanda Ka Furay Shir Looga Hadlayo Nabadda iyo Amniga Afrika

Midowga Afrika oo Luanda Ka Furay Shir Looga Hadlayo Nabadda iyo Amniga Afrika

Luanda, Angola (Raxanreeb Online): Midowga Afrika ayaa maanta magaalada Luanda ka furay shir gaar ah oo looga hadlayo xoojinta dadaallada lagu xalinaayo khilaafaadka, ka hortagga colaadaha, amniga iyo la-dagaallanka argagixisada qaaradda Afrika.

Shirka waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, iyadoo Soomaaliya ay qeyb ka tahay wadahadallada ku saabsan caqabadaha amni iyo siyaasadeed ee qaaradda.

Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa sheegay in amni oo keliya uusan ku filnayn in lagu soo afjaro colaadaha Afrika, balse loo baahan yahay in amniga lagu daro siyaasad, wada-hadal, horumar iyo iskaashi.

Youssouf ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in dalalka Afrika ay xoojiyaan dadaallada nabadeed si loo gaaro yoolka Midowga Afrika ee “Silencing the Guns”, kaas oo ah in qaaradda laga ciribtiro dagaallada iyo colaadaha hubeysan marka la gaaro 2030.

Shirka Luanda ayaa kusoo beegmaya xilli qaar badan oo kamid ah dalalka Afrika ay wajahaan khilaafaad siyaasadeed, colaado hubeysan, argagixiso iyo caqabado dhinaca amniga ah, kuwaas oo u baahan xalal siyaasadeed iyo iskaashi heer qaaradeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.