Nugaal (Raxanreeb Online): Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay Turkiga kala xisaabtami doonto duqaymo ka dhacay xeebaha Gobolka Nugaal, kuwaas oo maamulka Puntland ku eedeeyay in lagu beegsaday dad kalluumeysato ah.
Puntland ayaa sheegtay in duqaymahaasi ay sababeen khasaare nafeed iyo burbur soo gaaray hantida dadka deegaanka, iyadoo dalbatay in si cad loo ogaado cidda fulisay weerarrada iyo sababta loo beegsaday dadka rayidka ah.
Maamulka ayaa tilmaamay in haddii ay xaqiijiso in Ankara ay ka dambeysay duqaymaha, ay Dowladda Turkiga kala hadli doonto mas’uuliyadda iyo sababta loo bartilmaameedsaday kalluumeysatada.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli xeebaha Nugaal ay ka jireen xiisado la xiriira maraakiib ay burcad-badeed Soomaali ah qabsadeen, iyo howlgallo militari oo lagu soo warramay in ay ka socdaan aaggaas.
Turkiga weli si rasmi ah uma uusan xaqiijin inuu mas’uul ka yahay duqaymaha, sidaas darteed eedeynta Puntland waxay u baahan tahay xaqiijin rasmi ah oo madax-bannaan.

Leave a Reply