Baanka Adduunka: Soomaaliya oo Hormuud Ka Noqotay Isticmaalka Maalgelinta Bariga iyo Koonfurta Afrika

Baanka Adduunka: Soomaaliya oo Hormuud Ka Noqotay Isticmaalka Maalgelinta Bariga iyo Koonfurta Afrika

Muqdisho (Raxanreeb Online): Baanka Adduunka ayaa lagu soo warramay inuu Soomaaliya ku tilmaamay dal hormuud ka ah dalalka Bariga iyo Koonfurta Afrika, marka la eego heerka ay u isticmaasho ugana faa’iideysato maalgelinta iyo mashaariicda horumarineed.

Sida warbixinta lagu sheegay, Soomaaliya ayaa si wanaagsan u adeegsanaysa maalgelinta mashaariicda horumarinta, iyadoo aan la soo sheegin lacago la celiyay ama mashaariic la joojiyay sababo la xiriira musuqmaasuq ama maamul-xumo.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa kaddib eedeymo hore oo ku saabsanaa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya u maamusho dhaqaalaha iyo mashaariicda ay maalgeliso hay’adaha caalamiga ah.

Wararka ayaa tilmaamaya in xogta Baanka Adduunku ay jawaab u noqon karto eedeymo hore oo uu jeediyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, kuwaas oo la xiriiray maamulka iyo isticmaalka maalgelinta caalamiga ah.

Haddii xogtan si rasmi ah loo xaqiijiyo, waxay noqon kartaa qiimeyn muhiim ah oo ku saabsan awoodda Soomaaliya ee hirgelinta mashaariicda ay maalgeliso hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan xilli dalka uu doonayo inuu kordhiyo maalgelinta horumarineed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.