Boosaaso (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Boosaaso kulan kula qaatay Golaha Wasiirrada, Xildhibaannada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumaddiisa, isagoo soo saaray amarro cusub oo la xiriira amniga, hubka sharci-darrada ah, ciidamada iyo horumarinta kaabayaasha Puntland.
1. Hubka sharci-darrada ah
Madaxweyne Deni ayaa faray in laamaha amniga ay xiraan maleeshiyaadka hubaysan ee ku lug yeesha dagaallada beelaha, isla markaana laga qaado hubka ay wataan, iyadoo hubkaasi lagu wareejinayo dowladda.
Wuxuu sidoo kale sheegay in maleeshiyaadka iyo hubka laga qabto lagu soo bandhigo warbaahinta.
2. Ciidamada iyo dadka hubaysan
Madaxweynaha ayaa amar ku bixiyay in la xiro dadka hubaysan iyo ciidamada aan shaqada ku jirin ee hubka kula dhex wareega magaalooyinka, isla markaana hubka laga qaado.
Deni ayaa sidoo kale uga digay ciidamada dowladda inay ka qeybqaataan dagaallada beelaha, isagoo sheegay in askari ama ciidan lagu helo arrintaasi laga qaadi doono tallaabo.
3. Ilaalada masuuliyiinta
Madaxweyne Deni ayaa amar ku bixiyay in la yareeyo tirada ilaalada madaxda dowladda.
Sida amarka cusub, wasiir kasta waxaa loo oggolaaday laba askari, halka wasiir ku-xigeenkana loo oggolaaday hal askari.
4. Amniga xeebaha
Deni ayaa sheegay in la kordhin doono ciidamada ka hawlgala xeebaha Puntland, isagoo xusay in ujeeddadu tahay kordhinta dakhliga iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah burcad-badeedda.
5. Ballaarinta Dekedda Boosaaso
Madaxweynaha ayaa amray in laga bilaabo berri la bilaabo wacyigelinta dadka ku nool xaafadaha ku dhow Dekedda Boosaaso, maadaama la qorsheynayo ballaarinta dekedda.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Khamiista la bilaabi doono duminta dhismayaasha ku dhow dekedda.
6. Amniga Gaalkacyo iyo Boosaaso
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in markii uu xilka qabtay Gaalkacyo iyo Boosaaso ay kamid ahaayeen magaalooyinka ugu amni darran Puntland, iyadoo uu sheegay in xilligaasi meelo badan ay joogeen ciidamo iyo dad hubaysan.
Deni ayaa sheegay in maanta labada magaalo ay kamid yihiin magaalooyinka ugu amniga wanaagsan Puntland, isagoo arrintaas u nisbeeyay dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo amniga iyo kala dambeynta.

Leave a Reply