Muqdisho (Raxanreeb Online): Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu taageero siinayo kooxaha burcad-badeedda.
Fiqi ayaa eedeyntan jeediyay xilli ay xeebaha Puntland ka taagan yihiin xiisado la xiriira soo laba-kacleynta burcad-badeedda iyo afduubka maraakiibta, iyadoo Dowladda Federaalka iyo Puntland ay ku kala aragti duwan yihiin qaabka looga hortagayo arrintan.
Hadalka Fiqi ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweyne Deni uu dhawaan sheegay in Puntland ay si adag ula dagaallami doonto burcad-badeedda, isla markaana uu ku dhawaaqay tallaabooyin cusub oo lagu xoojinayo amniga xeebaha.
Eedeynta Fiqi weli ma aysan la socon caddeyn faahfaahsan oo uu soo bandhigay, halka Puntland ay horey u sheegtay inay dagaal kula jirto kooxaha burcad-badeedda.

Leave a Reply