Banaanbax lagu taageerayo Turkiga oo ka dhacaya Muqdisho

Banaanbax lagu taageerayo Turkiga oo ka dhacaya Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb Online) Dhallinyaro katirsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa Muqdisho ku qabtay kulankii ugu horeeyay ee qaban qaabada banaanbaxyo ay dowladu qorsheysay in lagu taageero Turkiga kaasi oo ka dhacaya Muqdisho.

Banaanbaxa ayaa daba socda caadis maalmihi lasoo dhaafay dowladda la kulmeysay kaasi oo la xariira duqeyntii diyaaradeed ee ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Sidoo kale banaanbaxa ayaa la filaya in Muqdisho lagu qabto maalmahan oo ay maanta ugu horeyso Banaanbax ay horkacayaan xubno katirsan Golaha Wasiirada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Geesta kale ilo xogaal ah ayaa inoo sheegay in gudoomiye Muungaab lagu amray in uu diyaariyo Banaanbaxyo lagu taageerayo Turkiga loogana soo horjeedo banaanbaxyadii lagu diidanaa ee maalmahan ka socday Jubbland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.