Aadan Madoobe & Laftagareen oo laga diiday go’ aankii ay ka soo saareen dib-u-heshiisiinta KGS.

Muqdisho (Raxanreeb ) Midowga Murashaxiinta madaxtinimada Koonfur Galbeed ayaa qaadacay qodobadii kasoo baxay wadahadaladii Aadan Madoobe iyo Madaxwayne Laftagareen ku dhaxmaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Waxa ay ku tilmaameen “go’aano dib u dhigi kara dib-u-heshiisiinta la filayay kahor dhamaadka muddo xileedka Hogaanka maamulka Cabdicasiis Laftagareen.

Waxa ay  ku eedeeyeen musharraxiinta Madaxwayne Cabdicasiis laftagareen afduubka  iyo caburin joogta ah oo uu ku hayo  siyaasiyiinta iyo murashaxiinta

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay siyaasiintan ay ugu baaqeen in ay soo faragaliso xaaladda siyaasadeed ee cakiran kana jirta deegaanada maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya.

Maanta ayay ahayd markii war Wadajir ah oo ay soo saareen Xildhibaano ka tirsan Barlamaan kuwaas sheegay in ay  muhiim tahay in aan wax muddo kordhin uusan samaysan laftagareen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.