Hoobiyaal lagu gaaracay degmooyin ka mid ah Muqdisho+ khasaaraha.

Muqdisho ( Raxanreeb ) dhawr hoobiyaal ah ayaa caawa waxa ay lagu garaacay xafaado ka mid ah magaalada Muqdisho.

Ilo xog- ogaal ah ayaa RBC u sheegay in hoobiyaasha qaar ay ku dhaceen agagaarka Warshada caanaha ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dad ku sugam Tarbuunka aya RBC u sheegay in halkaas dhawr xabo ay ku soo dhaceeen .

Lama shaagin ilaa iyo hadda wax khasaadaha oo ka dhashay hoobiyaasha caawa laga maqlay meelo ka mid ah caasimadda.

Goor sii horeysay oo maqribkii ah ayaa magaalada laga maqlay jug culus oo aan la garin karin , waxa ay ahaayeen hase ahaatee waxaa soo baxaya in ay ahaayeen hoobiyaal ku dhacayay xaafadaha qaar.

Laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya wax war ah ma aysan ka soo saarin khasaaraha ka dhashay hoobiyaasha laga maqlay magaalada Muqdisho.

Si kasta waxaa degan xaaladda goobaha ay ku dhaceen caawa hoobiyaasha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.