Beledxaawo ( Raxanreeb ) Saacadihii la soo dhaafay waxaa kordhayay guuxa la xiriira in abaabul dagaal oo ka dhan ah Jubbaland uu ka bilaaban doono deegaano ka mid ah Jubbaland.
Arintan ayaa soo ifbaxday ka dib markii
Senator Fartaag iyo Cabdirashiid Janan ay ka gaareen degmada Beledxaawo halkaas oo ay ka bilaabeen kulamo wada- tashi ah.
Warar ay heshay RBC ayaa sheegaya in labadan xubnood ciidamo fara badan ay ka qori doonaan deegaanada Daawo si ay abaabulaan qorshe ka dhan ah Axmed Madoobe.
Markii ay gaareen deegaanada Gobolka Gedo xubnahan ayaa lagu soo waramayaa in ay shirar la qaateen odayaasha deegaanka si ay uga dhaadhaciyaan qorshahooda kaga aadan maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe.
Si kasta degmooyinka gobolka Gedo waxaa ka jira diidmo xooggan oo ka dhashay hab maamulka Axmed Maxamed Islaam Madoobe , waxaana muddo dheer aad u xumaa xiriirka Gedo iyo Kismaayo.
Leave a Reply